Search on this blog

Search on this blog

Need Help?

61 5509556

Walwalka waa dareen dabiici ah oo qof walba la kulmo mararka qaar, balse marka uu noqdo mid joogto ah, xoog badan, ama saameeya noloshaada maalinlaha ah, wuxuu isu beddeli karaa xaalad caafimaad oo u baahan daryeel. Dad badan ayaa si qarsoodi ah u la tacaala walwal joogto ah iyaga oo aan garanayn waxa sababay ama sida loo xallin karo.

Calaamadaha Walwalka Joogtada ah waxaa ka mid ah:

  • Neef qabatin ama neefta oo yaraata
  • Wadna garaac degdeg ah
  • Madax xanuun ama calool xanuun aan sabab muuqata lahayn
  • Hurdo la’aan ama hurdada oo go’go’da
  • Ka fakar badan waxyaabo aan weli dhicin
  • Cabsi ama cabbir aan lahayn meel cad oo ay kasoo jeedo

Walwalka joogtada ah wuxuu si tartiib tartiib ah u saameeyaa caafimaadka maskaxda iyo jirka. Wuxuu keeni karaa daal, niyad jab, iyo dareen ah in nolosha laga baxay. Waa muhiim in la ogaado in walwalkaasi la daweyn karo, isla markaana ay jiraan habab badan oo kaa caawin kara inaad dareento nafis iyo xasillooni.

Xalka Walwalka wuxuu ka bilaabmaa aqoonsiga xaaladdaada. Kalfadhiyada la-talinta cilminafsiga ah waxay ku siiyaan meel aamin ah oo aad ku cabirto dareenkaaga, kana hesho talooyin iyo farsamooyin kaa caawiya:

  • Barashada neefsashada qoto dheer
  • Fikir togan (positive thinking)
  • Maareynta waqtiga iyo nasashada
  • Xirfado la xiriira dejinta maskaxda (mindfulness, meditation)
  • La-talin joogto ah oo lala yeesho la-taliye nafsi

Haddii aad dareemayso in walwalku noloshaada si xun u saameeyay, ha sugin. La xiriir Kaafia Center, kalfadhi la qaado, oo bilow safarkaaga nafisnaanta maskaxda. Caafimaadka maskaxda waa qayb muhiim ah oo noloshaada ka mid ah – waana mid mudan daryeel.

Dr idil Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *